Ciidanka DANAB Ee XDS oo Deegaano la wareegay

0 172

Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab ayaa waxaa la sheegay in howlgal ay sameeyaan ay Al-Shabaab kala wareegeen degaano ka tirsan Gobolka Jubadda Hoose

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen deegaano hoos yimaado degmooyinka Kismaayo iyo Jammaame ee gobolka jubadda Hoose,iyaga oo kula wareegay tuulooyinka Xawaaljiri, Bernasey, yaaqbishaar iyo Cusbo, kuwaas oo at ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 5-aad guutada 16-aad kumaandooska Danab ee xoogga dalka G/le Xasan Aadan Ciraaqi ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in howlgalka lagu dilay 6 ka tirsan Al-Shabaab,isaggoo tilmaamay intii ay howlgalka ku guda jireen inay la kulmeen dad ay sameeyn ku yeesheen dhibaatooyinka ka jiray degaannadaas, kuwaasi oo ay siiyeen cunto biyo iyo daawo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.