Ciidanka Danab oo hawlgal gaar ah ka fuliyay Basra

0 138

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya hawlgal gaar ah oo ciidanka dowladda ay ka fuliyeen duhurnimadii maanta degaanka Basra ee duleedka degmada Balcad, gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkan oo ay si gaar ah u fuliyeen ciidanka Danab oo ay wehliyaan kuwa AMISOM ayaa waxaa lagu beegsaday saldhig xoogaga Ururka Al Shabaab ay ku leeyihiin degaanka Basra.

Ilo wareedyo ayaa waxa ay Idaacadda Risaala u sheegeen inta uu hawlgalkan socday inay jireen diyaarado dagaal oo ka qeyb qaadanayay hawlgalka, waxaana duqeyntaasi fuliyay ciidamo cadaan ah.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen in weli uu socdo hawlgalka lagula dagaalamayo Ururka Al Shabaab, islamarkaana ay dib ka soo sheegi doonaan khasaaaraha dhabta ah ee hawlgalkan.

Al Shabaab ayaa bilahii ugu dambeyay weeraro ka soo abaabulayay degaanka Basra, iyagoo wadada isku xirta Balcad iyo magaalada Jowhar ka dhigay maritaankeeda mid aad u halis badan marka ay timaaddo masuuliyiinta maamulka Hir-Shabeelle iyo ciidamada dowladda federaalka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.