Ciidanka Danab oo howlgallo ka sameeyay qeybo ka mid Jubbooyinka (SAWIRR0)

0 138

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan iyo howlgallo waxay ka wadaan degaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Jubbooyinka.

Ciidanka, ayaa goobaha ay Howlgalka ka wadaan waxaa kamid ah, Jammaame, Kaban iyo Kamsuuma, waxaana halkaasi ay ku burburiyeen fariisimo ururka Al-shabaab ay lahaayeen.

Waxay gacanta ku soo dhigeen Ciidanka Kumaadooska Danab ku dhawaad 20 qof oo la xiriirinayo inay ka mid yihiin Shabaab, iyaggoo baaris ku wada, si loo kala saaro.

Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka General Ismaaciil Saxardiid oo la haday warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgalada ay si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka gaarka ah ee Danab oo gacan ka helaya Kuwa Mareykanka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.