Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka jubbaland oo howlgal kasameeyey Duleedka M/ kismaayo

0 189

Ciidanka Daraawiishta dowlad goboleedka jubbaland ayaa waxaa ay Howlgal qorsheeysan ka fuliyeen deegaano duleedka ka ah Magaalada Kisamayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalku waxa ay ciidanka ka sameeyeen deegaanka Yaaq Bishaaro duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo,waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen inay dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Afhayeenka Hey’adaha Amniga Jubbaland Cabdinuur Mooge ayaa Warbaahinta xaqiijiayey in howlgalkaas lagu diley afar ka mid ah Al-shabaab sidoo kalena gacanta lagusoo dhigay afar qori oo ay wateen.

Howlgalkaan ayaa ujeedkiisu ahaasidii Al-Shababa looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolada Jubbooyinka ee Mamaulka Jubbaland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.