Congo” QM Sawir qaldan ayay ka bixinaysaa Congo

0 243

Sii hayaha xilka rai’sul wasaaraha Congo Jose Makila ayaa qiray in dalka uu wajahayo xaalad adag, balse jawaabta ay Qaramada Midoobay ka bixisay ay tahay mid niyad jabinaysa maalgashadayaasha.

“Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo way diiday in ay ka qaybgasho shirka Geneva ,” ayuu yiri Makila.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in aysan ka qaybgali doonin shirka deeq bixiyayaasha ee ka dhacaya magaaalada Geneva.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad ka badan 13 milyan oo reer Congo ah ay u baahan yihiin gargaar bina’aadanimo.

Waxa ay Qaramada Midoobay qabanqaabisay kulan heer sare ah oo looga hadlayo xaaladda bina’aadanimo ee Jamhuuriyada. Dimuqraadiga ee Congo kaasi oo 13 bisha April ka dhici doona magaaladda Geneva.

Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa qani ku ah Macdanta iyo khayraad kale, balse waxaa dalkaasi ragaadiyay dagaalo,musuqmaasuq iyo xasarado siyaasadeed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.