C/xakiin Camey oo sheegay in laga gaabiyay Dagaalka Shabaab

0 207

Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Maamulka Puntland C/xakiin Xaaji C/laahi Cumar (Camey) ayaa waxa uu sheegay in laga gaabiyay la dagaalanka ururka Al-shabaab.

Hadalkan Madaxweyne kuxigeenka Puntland wuxuu ka sheegay shir ay Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ku yeesheen Wasiirada Amniga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Wuxuu sheegay tirada Ciidanka Xoogga dalka in ay yihiin kuwo badan, awoodna aysan u laheyn in ay la dagaalamaan ururka Al-shabaab, wuxuuna Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ku eedeeyay in ay ka gaabiyeen dagaalka Shabaab.

“Waxaa la yaab ah inaan maanta arkayo Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga in ay yihiin 22,00 halka kuwa Soomaaliya ay yihiin 18,000, laakiin hadana waxaad moodaa in ay ka adkaan la’yihiin Shabaab, waxaa muuqa weli inaan jaanta isla helin Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.

Ugu dambeyntii Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Maamulka Puntland C/xakiin Xaaji C/laahi Cumar (Camey) ayaa laamaha ammaanka Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ka dalbaday in ay si wadajir ah u shaqeeyaan, si Shabaab looga adkaado.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.