CXD Soomaaliya Oo Sheegay In Ay Dileen Xubin Sare Oo Tirsan Al-Shabaab

0 63

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay weerar dagaal ah ku dileen ku dhawaad 50 dagaalama ka tirsan Al-Shabaab iyo Madaxii Howlgalinta ee Shabellaha hoose u qaaabilsanaa Al-shabaab

Dagaalkaan ayaa dhacay galinkii Dambe ee shalay waxa uuna ka dhacay tuuladda Bululow ee Degmada Afgooye.

Saraakiil is tirsan Ciidanka kumaandooska Danab oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in dagaal shalay ka dhacay tuulada bululow lagu dilay in ka badan 50 dagaalaame ah iyo madaxii howlgalinta Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Shabellada hoose.

Saraakiisha Danab ayaa Horjogaha la dilay waxa ay magaciisa ku sheegeen Cismaan Ciil Fiidow oo Shabaab u qaabilsanaa Howlgalinta

Ugu dambeynti Saraakiisha Kumaandooska waxa ay sheegeen in gaari dheyno ah oo lagu daabulay meydadka Dagaalamayaasha iyo Taliyaha la dilay ay shalay Shabaab ku Aaseen tuulada buulo yareey shiiqaal oo ka tirsan Shabellada hoose.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.