Daacish-ta ku sugan Soomaaliya oo soo saartay Muuqaal cusub

0 286

Koox kor kala socota dhaqdhaqaaqa Kooxda Daacish ayaa shaaciyay in Muuqaal cusub oo ay soo duubeen Kooxda Daacish Faraceeda ku sugan gudaha Soomaaliya.

Muuqaalkaan cusub ayaa la sheegay in uu yahay Mid ugu horreeyay oo ay soo duubaan Kooxda Daacish ee ku sugan Gudaha Soomaaliya.

Waxaa lagu sheegay in Muuqaalkaan ay soo duubeen Kooxda Daacish in ay dadka Muslimiinta ah ay kaga digayaan in ay dabaal degaan Sanadka cusub.

Daacish waxa ay sheegtay in dadka Muslimiinta ah in ay ugu baaqayso in ay beegsaddaan dadka aan Muslimiinta Aheyn.

Waxa ay sidoo kale sheegeen dadka Muslimiinta in laga doonaayo in ay ka qeyb qaataan dagaalkooda.

Kooxda Daacish Faraceeda Soomaaliya ayaa waxa ay ku sugan yihiin degaano ka tirsan gobolka Bari ee Puntland, waxaana dowladda Mareykanka ay duqeyn ku bilowday Bilihii lasoo dhaafay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.