DAAWO:-Ganacsatada Koonfur Galbeed Oo Baaq u direy DFS iyo Maamulka K/Galbeed

0 89

Sagaalkii bishan waxaa Gaadiid nooca Xamuulka qaada ah oo ka baxay Magaalada Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Baydhabo iyo Gobolka Gedo lagu gubey gaadiid waday Shixnado Ganacsi iyo Dhuxul xili ay marayeen deegaanka lagu magacaabo Yaaq-biriweyne ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo dabley hubeysan ay wadada u gashay gaadiidkaasi waxaana manta si kuluul ugu hadlay arrintaasi Ganacsatada Koonfur galbeed,

Shirkan maanta Ganacsatada koonfur galbeed ay ku qabteen Xarunta Rugta Ganacsiga iyo warshadaha koonfur galbeed ee Baydhabo ayaa ugu horeyn ganacsatadu waxay kula hadleen oo ay baaq u direen Dowlada Federaalka iyo Dwlad Goboleedka koonfur galbeed,

Sheekh Ibrahim Cali Cabdi Guddoomiyaha Shirkada Dahabshiil iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Koonfur Galbeed Mudane Ahmed Macalin Isxaaq ayaa Xariiqay hadii go’aan cad ka soo bixi waayo dhanka Dowlada oo deriiskeeda dadka lagu dhibaataynayo si wadajir ah loogu soo wada jeesan doono.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.