Daawo Sawiro: Madaxweyne Shariif Xasan Oo Maanta Xariga Ka Jarey Bankiga Dhexe Iyo Xarunta Maxkamada Sare Ee KGS

0 456

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya  Ayaa Maanta Xariga Ka Jarey Bankiga Dhexe Iyo Xarunta Maxkamada Sare Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu Horeyn Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaalia Ayaa Waxaa Uu Xariga Ka Jarey Xarunta Bankiga Dhexe Koonfur Galbeed Ee Magaalada Baydhabo, Waxaana Xarig Jarka Ku Wehlinayey Wasiirka Wasaarada Maaliyada KG Soomaaliya, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Iyo Mas’uuliyiin Kale Oo dowlada Ka Tirsan.

Wasiirka Maaliyada DKG Soomaaliya Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur Ayaa Sheegey In Tani Ay Qeyb Ka Tahay Hanaanka Dowladeed Loona Baahan Yahay In Loo Mahadceliyo Cid Kasto OO Gacan Ka Geysatey Fulinta Howsha ah Dayactirka Xarunta BankigaDhexe Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka Ayaa Baaq U Jeediyey Dadka Ganacsatada Ah Iyo Shirkadaha Ka Shaqeeya Deegaanada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Taasi Oo Ah In Laga Qeyb Qaato Dayactirka Xarumihii Dowlada Si Bulshada Looga Adeego.

Madaxweynaha Dowlada DKG Somaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan Ayaa U Mahadceliyey Dhamaan Dadkii Ka Qeyb Qaatey Dhismaha Xarunta Bankiga Dhexe, isla markaana sida la sheegey Door lixaad leh Ka Qaadatey hay’ada SSF.

Shariif Hasan Sheekh Aadan Dhanka Kale Wuxuu Wasaarada Maaliyada Ugu Baaqeyn In Bulshada Ay Ku Dhiira Galiso In Ay Ku Kalsoonaadaan Dowlada Gaar Ahaan Bankiga Dhxe Ee DKGS.

Si kastaba ha ahaatee, Xanaanka Dowladnimo Oo Tiir Muhiim U Ah Helida Nidaam Xufan Oo Dowladnimo Ayaa Dowlada Koonfur Galbeed Ku Dadaashey Dhismaha Xarunta Bankiga Dhexe Ee Dowladda.

Ugu dambeyntii, Xarig jarka Bankiga ayaa ku Soo beegmaya Xilli  Mudadii ay jirtey Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya aysan lahayn Hanaan Maaliyadeed oo ay ku kalsoonaan karaan Shacabka Degaanada Koonfur galbeed iyo Deeq Bixiyaasha Caalamka.

Halkan Ka Daawo Sawiro

001 001-1-324x160 1 1-33 002 2 2Q1-200x112 3 3-28

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.