DAAWO;Mid kamid ah Beelaha dega Deegaanada KGS Oo Caleemo saartey Malaaq Cusub

0 229

Mid kamid ah Beelaha dega Deegaanada Koonfu Galbeed gaar ahaan Gobolka Baay ayaa maanta Waxaa ay Magaalada Baydhabo ku Doorteen oo ay ku Caleemo saarteen #Malaaqa Guud ee Beeshaasi ee Beesha #Garwaale waxayna u Doorteen oo ay isku raaceen Malaaq #Mohamed_Ibraahim_Cali_Dhegey,

Malaaq Mohamed Ibrahim Ali dhagey wuxuu ku dhashey Magaalada Ceel Garas ee Gobolka Bakool Sanadka Marku ahaa 1958ki wax barashadiisa hoose wuxuu kuso qaatey Magaalada Ceel garas Sido kale Dugsiga dhexe sare wuxuu kuso qaatey Magaalada Baladwayne ee Gobolka Hiraan,

Sanadkii 1978dii wuxuu ku biirey Ciidankii xooga Dalka Soomaaliyeed waxaana uu ka soo baxay Dugsigii Tababarka Xerada #Hiilwayne oo kutaala Magaalada Mugdisho kadibna waxaa loo bedeley qaybta #26aad asagoo shaqada Ciidanimadiisa ku so0 qaatey qeybihii Kala duwanaa ee ciidanka xooga Dalka Soomaliyeed sida qaybta #21aad iyo #54aad Darajada ciidanka wuxuu ku gaaray darajada #Gaanshaale,

kadib burburki Dowladii dhexe kwuxuu kamid ahaa Aasaasayaashii Ururkii la Oran jirey (S.D.M) kadib burburki ururkaas kadib sanadkii 1995tii wuxuu kamid ahaa saraakishii kushirtey tuulada #jafey ee Gobolka baay isla markaana loogu dhowaaqay Ururkii la magac baxay (RRA) [Rahawein Resistance Army] asigoo kamid ahaa hogaanka saraakiisha sar sare ee ururkaas kadib Marki ay la wareektey guud ahaan RRA goboladii ay u dagaalmaysey,

Malaaqa ayaa sidookale waxaa uu kamid ahaa Odoyaashii dib u heshiisinta Gobolada koonfured, sanadkii 2012kii wuxuu kamid ahaa Ergadii Ansaxinta Dastuurka kumeelgaarka soomaliya,

Malaaq mad dhagey bishii 9/01/2018 waxa loo caleema saarey malaaqa guud ee Beesha Garwaale sido kale maanta oo ay taariikhdu tahay 21/01/2020 waxaa maamulka KGS uu Gudoonsiiyey warqada Aqoonsiga Malaaqnimo.


WARQADA MAAMULKA EE LAGU AQOONSADEY HOOS KA AQRISO

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.