DAAWO;Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Laftagareen Oo gaarey Muqdisho

0 280

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi ballaaran oo uu Hogaaminayey ayaa Maanta gaarey Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka,

Waxaanaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Dowlada dhexe ee Fedaraalka Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen Wasiiro Xildhibaano iyo Masuuliyeen kale,

Wafdigan uu Hogaaminayey Madaxweyne Laftagareen ayaa waxaa kamid ahaa madaxweynaha Maamulka Hirshabeele oo maalmihii la soo dhaafey ku sugnaa magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu kaga qeybgalay Shirkii Xoojinta xiriirka labada Maamul ee ay Goob jooga ka ahaayeen qaar kamid ah Deeqbixiyaasha Caalamka,

Soo dhaweyn kadib Madaxweyne laftagareen ayaa uga mahad celiyey soo dhaweynta weyn ee loo sameeyey waxaana uu ka hadley Saafarkooda iyo ahmiyadda uu u lahaa shirkii iskaashi ee dhexmarey labada maamul ee Koofur galbeed iyo Hirshabeelle shirkii iskaashiga ee lagu qabtay Baydhabo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.