Dab Qasaare weyn dhaliyey oo Caawa ka dhacay Magaalada Baydhabo[SAWIRO]

0 242

Baydhabo Guri Dab ka kacay ayaa waxaa uu sababey khasaare dhimasho iyo mid hantiyadeed 3 Ruux oo uu kujiro Aabe lahaa Gurigaasi oo uu qeyb kamid ah Shidaal ku iibin jirey iyo laba caruurtiisa ahaa ayaa ku dhintey,

Dabka ayaa billawday abaaro labo saac iyo bar Gurigaasi oo qeyb kamid ah Shidaal lagu iibin jirey ayaa waxaa uu ku yaalley Xaafada Onodka oo u dhow Xaafada Salaamey ee Magaalada Baydhabo,

Dabkaan ayaa sida lasheegay waxaa dhaliyay shidaal ku jiray Guriga oo Dab qabsaday kadibna Goobtu ay wada oloshey
Waxaana ku naf waayey Allah ha u naxriistee Aabbe lagu magacaabo Sheekh Cumar iyo Labadiisa Carruur oo uu dhalay.

Dabkan qasaaraha dhaliyey ayaa sida ay sheegeen Dad goob joogayaal ahaa oo idaacada Radio Baidoa la soo xiriirey waxay sheegeen in uu iskiisa uu u damey Dadka deriska la ahaana ay wax ka qaban kari waayeen,

Magaalada Baydhabo ee Caasimada ku meelgaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Malahan Wax Dabdamis ah iyadoona ay kamid tahay Magaalooyinka sida weyn u soo kobcaya ee Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.