Dad badan oo ku dhintay labo qarax oo ka dhacay Baqdaad

0 222

Inta la xaqiijiyay 20 ruux ayaa ku dhimatay labo qarax oo saakay ka dhacay Magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq.

Sida ay sheegeen saraakiisha, Waxaa sidoo kale Qaraxyaddaasi ku dhaawacmay ku dhawaad 30 qof.

Baqdaad ayay qaraxyadu aad uga dhacayeen tan iyo markii kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ay dhul wayn ka qabsatay dalka Ciraaq sannadkii 2014kii
Wasiirka arrimaha dibdda ee Ciraaq ayaa sheegay in laga yaabo in ay dhimashadu intaas ka sii badato maadaama oo maydad hor leh la helayo.

Weerar is qarxin ah oo Sabtidii ka dhacay bar kontorool oo ku taalla waqooyiga caasimadda ayay ku dhinteen shan ruux, sida ay booliisku sheegeen

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.