Dad loo qabtay qarax ka dhacay Buula-burde

0 286

Ciidamada ammaanka ayaa dad u qabtay Qarax Miino oo maanta ka dhacay duleedka Bari ee magaaladaasi, gaar ahaan wadada aan sidaas uga fogeyn Garoonka Diyaaradaha.
Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay Agagaarka Garoonka ayaa la sheegay in Ciidamada ay ka war heleen, kahor inta uusan Qarxin, iyaga oo wada soo saarista Miinada la aasay ayay mar qura la Qaraxday.
Saraakiisha Caafimaadka ee Gaadiidka deg dega ah ayaa inoo xaqiijiyay in Hal Askari oo ka tirsanaa Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti uu ku geeryooday, halka laba Askari oo kalena oo ka tirsan Ciidanka Dowladda ay ku dhaawacmeen.
Falka qaraxa kadib ayaa waxaa bilowday howlgallo ay sameeyeen ciidamada oo lagu baadi goobayay ragii falkaasi ka dambeeyey, waxana wararku ay sheegayaan in ilaa haatan ay ciidamadu qabteen dhowr qof oo qaraxaasi lala xiriirinayo.
Ciidamadan Qaraxa lala beegsaday ayaa waxa ay qeyb ka yihiin Ciidamo cusub, iyaga oo bedelay Ciidamo laba sano halkaasi ka howlgalayay, kuwaasi oo waqtiga uu ka dhammaaday.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.