Dad loo soo qab qabtay Dilal Askar DF ka tirsan loogu geystay Halgan

0 390

Kadib Howlgallo Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sameeyeen deegaanka halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu soo qab qabtay 9 ruux oo la tuhunsanyahay in ay ka dambeeyeen dilka Askar ka tirsanaa Ciidanka dowladda oo ka dhacay deegaankaasi Halgan.

Guhaad Cabdi Warsame Guddoomiyaha deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa Shabelle u sheegay in Dadka ay soo qab qabteen ay Tuhunsan yihiin  in ay ka dambeeyeen Dilka 2 Askari oo ka tirsanaa  Ciidanka dowladda Soomaaliya oo shalay ka dhacay deegaanka Halgan.

Deegaanka Halgan oo ah deegaan Istiraatiiji ah ayna  ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ayaa aalaaba waxaa weeraro kala duwan ku soo qaada Al Shabaab.

Weerarada Al Shabaab  ay ku qaadeen Halgan waxaa ka mid ah weerar Culus oo khasaaro ba’an geystay ee ay la kowsadeen Ciidamada Ethiopia ee ku sugan deegaankaasi Halgan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.