Dad Shacab ah iyo Shabaab oo dagaalamay

0 133

Saddex ruux oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen kadib markii saakay ay ku dagaalameen dad shacab ah iyo xoogag ka tirsan ururka Al Shabaab duleedka degmada Xarardheere gaar ahaan degaanada Caad iyo Camaara.

Dagaalkan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii Shabaab dadka ay ku qasbeen inay bixiyaan xoolo nool oo looga qaadayay qaab sakawaad ah, dadkuna ay ka biyo diideen.

Dagaalka oo bilowday saakay ayaa soo gaaray ilaa barkhanimadii maanta, dadka deegaanka ayaa la sheegay inay iska caabiyeen Shabaabka, inkastoo Shabaab ay ciidan badan ka keensadeen degaano ka tirsan gobolka Mudug.

Dadka degaanka ayaa Idaacadda Radio baidoa u sheegay in dagaalka lagu la’yahay ilaa Saddex qof oo ka mid ah odayaasha degaanka caanka ka ah, waxaana loo badinayaa in Shabaab ay ku kaxeysteen nolosha.

Saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegeen ciidamo badan oo ka baxay magaalada Cadaado inay u jiheysteen dhanka degaanada Caad iyo Camaara, si ay u caawiyaan dadka shacabka ah ee Shabaab la dagaalamay.

Shabaab ayaa badanaa gobolada ay ka taliyaan dadka rayidka ah waxa ay ka qaadaan xoolo nool iyo lacag ay ku sheegaan inay tahay mid sakawaad ah, dadka diidana waxa ay ka qaadaan talaabooyin sharci

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.