Dad Shacab ah oo lagu Dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

0 993

warar ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, gaari siday ruux dhaawac ah oo ka ambabaxay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu rasaaseeyay isla qaybta Waqooyi ee Magaaladaasi, xilli gaariga uu ku sii socday isbitaalka Magaalada Gaalkacyo.

 
Rasaastaasi waxaa gaariga ku furay ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin Maamulka Puntland, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
 
Afar ruux ayaa ku geeriyootay rasaastaasi ay ciidanka ku fureen gaarigii siday dhaawaca, waxaana sidoo kale halkaasi ku dhaawacmay shan ruux.
 
Lama oga sababta ciidanka Puntland ay rasaasta ugu fureen gaariga siday dhaawaca kuna socday Isbitaalka Waqooyiga Magaaladaasi.
 
Gaalkacyo shalay waxaa ka dhacay shaqaaqo dhexmartay ciidamada Puntland iyo Koox hubaysan oo la sheegay inay ka soo horjeedeen Garaash Dowladii dhexe ay laheyd oo lagu amray inay ka guuraan.
 
Warar soo baxaya ayaa sheegaya sababta gaariga rasaasta loogu furay inay tahay gaariga oo si xowli ah u socday, ciidankana ay ka shakiyeen oo sidaasi rasaasta loogu furay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.