Dadka ajaanibta ah oo bilaabay inay isaga baxaan caasimada Bujumbura :Burundi:

0 931

Dadka Ajaanibta ah ee ku sugnaa magaalada Bujumbura ee caasimada dalka Burundi ayaa hada bilaabay inay dalkaasi isaga baxaan xili ay sii xumaaneyso xiisada ka taagan wadankaasi.

Dowlada Belguim ayaa Jimchii shalay ugu baaqday in dadkeeda jooga Burundi ay wadankaasi isaga soo baxaan, dalka Belguim oo horey usoo gumeystay wadankaasi Burundi ayey dad badan ka joogeen magaalada Bujumbura.

Xiisada ka taagan dalka Burundi ayaa laga cabsi qabaa inay isu bedasho dagaalo sokeeye, waxaana Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay todobaadkan labo goor kulan deg deg ah ka yeeshay xaalada dalkaasi.

Dhamaadka bishan ayaa lagu wadaa in Xoghayaha Qaramada Midoobay Ban Ki Moon uu Golaha Amaanka usoo bandhigo qorshe wax looga qabanayo xaalada dalka Burundi, waxaana dhici karta in cunaqabateyn la saaro madaxda dalkaasi ama ciidamo nabad illaalin ah loo diro wadankaasi

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.