Dagaal dhexmaray Ciidanka DF iyo Shabaab

0 267

Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa casir liiqii maanta waxa ay weerar la isku qabal dhacsaday ku qaadeen degaanka Ceelka-Geelow oo u dhexeeya magaalada Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.Dagaalyahano hubeysan oo Shabaab ka tirsan ayaa waxa ay weerar ku ekeeyeen fariisin Ciidanka Millitaiga Soomaaliya ay ku leeyihiin degaanka Ceelka-Geelow, halkaasi oo uu ku dhexmaray dagaal socday mudo ku siman saacad.
Dagaalkan ayaa geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalka isku qabtay, khasaare hordhac ah oo radio baydhabo ay heshay ayaa sheegaya in Ciidanka Dowladda dagaalkan looga dilay laba Askari.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in xoogaga Shabaab ay la wareegeen degaanka ay soo weerareen, maadaama Ciidamada Dowladda oo tiro ahaan aan badneyn ay ka baxeen Ceelka-Geelow, balse hada ay wadaan qorshihii ay dib ugu qabsan lahaayeen degaanka.
Shabaab ayaa u muuqda kuwo kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan wadada xiriirisa Jowhar iyo Balcad gaar ahaan degaanka Ceelka-Geelow, maadaama laba Todobaad gudihiisa ay weerareen laba jeer.
Waxaad kaloo ogaataa Kulan maanta ay ku yeesheen xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle magaalada Jowhar ayaa qodobadii loogaga hadlay waxaa ka mid ahaa amniga gaar ahaan wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo caasimada dalka ee Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.