Dagaal ka dhacay Deegaan u dhexeeya Afgooye iyo Wanlaweyn.

0 241

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya ciidamada dawladda iyo Al-Shabaab uu maanta ka dhacay degaan u dhexeeya Afgooye iyo Wanlaweyn.

Dagaalkan ayaa dhacay kadib markii Al-Shabaab ay jidka u galeen ciidanka, iyaga oo adeegsaday qarax, kaddibna uu bilaawday dagal toos ah oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tabaran ee Bangaraafta loo yaqaano.

Wararka dhinaca amniga waxay sheegayaan inuu jiro khasaare soo gaaray askarta iyo Al-Shabaab, iyo weliba gaadiidka dagaalka labada dhinaca ay wateen.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada ku lugta leh dagaalka ee dowladda iyo Al-Shabaab ee ka dhacay deegaan ku yaalla degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.