dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo

0 173

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Baydhabo ee gobolka Baay, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, kuwaa soo oo ka baxay Deegaanka Deynuunay, islamarkaana ku jeeday degmada Beydhabo.

Ku Dhawaad 5 qof ayaa dagaalkaasi ku geeriyootay iyadoona dhaawaca uu ka badan yahay intaasi sida ay sheegayaan dad ku dhaw halkii lagu dagaallamay.

Isbitaalka Magaalada Baydhabo ayaa la soo gaarsiiyay qaar ka mid ah Askartii kusoo dhawaacantay Weerarkii ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo.

Al-Shabaab ayaa inta badan Weeraro qorsheysan la eegta Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, xilliyadda ay ku jiraan howlgallada iyo sidoo kale Safaradda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.