Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo & faah faahin laga helayo

0 118

Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Xarunta Maamulka degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan Saacad.

Dadka ku nool degmadaas ayaa waxaa ay sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Ciidamada Dowladda ee ku sugan degmada Buurdhuubo iyo Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaraha kala gaaray labada dhinac.

Warar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Xarunta ay weerareen ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiin uu kamid yahay Guddoomiyaha degmada Buurdhuubo,isla markaana uu si dirqi ah uga badbaaday.

Weli dhankiisa kama hadlin Guddoomiyaha degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo warkaan kasoo baxay Al-Shabaab oo ay ku sheegeen in uu si dirqi ah kaga badbaaday weerar ay ku qaadeen Goob uu ku sugnaa.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Buurdhuubo ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan,hayeeshee Ciidamada Dowladda ay wadaan howlgallo kala duwan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.