dagaal ka dhacay Muqdisho

0 252

Wararka inaga soo gaaraya xaafada Silliga ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal uu ka socdo halkaasi.

Dadka degaanka ayaa waxa ay inoo sheegeen in dagaalkan uu u dhaxeeyo laba ciidan oo ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya, kuwaasi oo isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya dagaalka inuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamadan ay isku qabsadeen dhul halkaasi ku yaalla, taasi oo keentay dagaalka inuu bilowdo.

Dagaalka ayaa hada waxaa uu ka socdaa xaafada Siliga, gaar ahaan qaybta Xigta dhanka Xaafadda Nasteexo, halkaasi oo dhinacyada ay ku dagaalamayaan.

Ciidanka dagaalamaya ayaa u badan kuwa Militari ah, islamarkaana rasaas kala duwan isku adeegsanaya dagaalkooda.

Xaafadaha dagaalka uu ka socdo, ayaa waxa ay u badan yihiin guryo ka sameysan jiingado, xabadahana ay ka dhex baxayaan, waxaana la soo sheegayaa dad shacab ah in waxyeelo kala duwan ay ka soo gaartay dagaalkaasi.

Wixii soo kordha kala soco

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.