Dagaal ka dhacey gobolka sanaag

0 47

Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Shidan gaar ahaan agagaarka Buuraha Calamadoow oo ka tirsan Gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeyey laba maleeshiyo oo hubeysan,kuwaas oo dadka deegaanka ay sheegeen inay isku heysteen Goob Macdanta noocyadeeda kala duwan laga qodo,iyada oo ay ku heshiin waayeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in dagaalkaas uu ku geeriyoodey hal Ruux halka laba kale ay ku dhaawaceen,kuwaas oo dhamaantood ah maleeshiyaadka dagaalamey.

Maleeshitaadka hubeysan ayaa dhowr jeer deegaankaas ku dagaalamay,iyaga oo ku heshiin waayey macdanta ay halkaasi ka wada gurtaan,waxaana haatan wararka sheegayaan inay ku baxeen Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka yubbe.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.