Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay J/Hoose

0 303

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamo wada jir ahaa iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Afmadow ee Gobolka Jubadda Hoose, iyadoo dagaalka ay ka qeyb qaateen diyaarado Helicopter ah.

Dagaalka ayaa waxaa ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ku wehliyay Ciidamo Mareykan ah oo cir iyo dhulba dagaalka uga qeyb qaadanayay, iyagoo adeegsanayay diyaarado.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaalka oo ahaa mid xooggan, waxaana saraakiil ka tirsan kuwa Kenya ay sheegeen inay dagaalka ku dileen dagaalyahano badan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Dadka degaanka Afmadow ayaa sheegaya in dagaalka uu socday muddo saacado, isla markaana ay maqalayeen duqeymo ay geysanayeen diyaarado dagaal.

Waxaa aad u yar faah faahinta laga heli karo khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta, iyadoo aanay jirin war rasmi ah oo ka soo baxay Maamulka Jubbaland iyo Al-Shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.