Dagaal khasaaro geystay oo kadhacay Degmada Qasax dheere ee Gobolka bay

0 192

Dagaalkaan oo geystay khasaar isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo Maleeshiyaad deegaanka ah u ku dhex-marey deegaanka Buulo Sokor oo 20kn ka u jira degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Qansax-dheere ayaa waxaa ay sheegen in dagaalka uu Saddex goobood ka kala dhacay,isla markaana maleeshiyaad dadka deegaanka ah ay weerarka ku qaadeen Xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Amniga & Siyaasadda degmada Qansax-dheere Cabdalla Maxamed Saneey ayaa shjeegay in dagaalkaas Al-Shabaab looga diley 4 Xubnood 9 kalena looga dhaawacay sida uu hadalka u dhigey.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato ku hayaan dadka Shacabka taa soo keentay in dadka deegaanka ay hubka qaataan lana dagaalamaan Al-Shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.