Dagaal Xoogan Oo Ka dhacay Deegaano Ka Tirsan Dowlad Deegaanka

0 52

Wararka Idaacadda Radio Baidoa ee Magaalada Baydhabo ay ka heleyso deegaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka socdo dagaal u dhexeeya Ciidanka dowlad deegaanka iyo kuwa Canfarta.

Dagaalkan ayaa sigaar ah uga socda deegaanada kala Madane, Dhabxale, Allaale, Caleenle, Tamari, Cobole iyo Dameero Cune, waxaana dagaalkaas uu ka dambeeyay kadib markii Ciidanka Canfarta ay weerar ku qaadeen kuwa dowlad deegaanka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka socda, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen inay maqlayaan dhawaqa hub Culus oo la is-dhaafsananayo.

Sidoo kale dadka qaarkood ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda, isla markaana waxaa adeg xog dheeraad ah laga helo inta uu la egyahay khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray.

Ciidanka dowlad deegaanka Soomaalida Liyu Boolis iyo kuwa Canfarta ayaa waxaa horey sidaan oo kale dagaalo kala duwan ay ugu dhex-mareen deegaano ka tirsan dowlad deegaanka, kuwaasi oo qaarkood geystay khasaaro.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.