Dagaalkii Udhexeeyay Ciidaada Liyuu Police Iyo Dadka Dega Gobolka GalGaduud Oo Maata Heshiis Laga Gaaray.

0 904

Waxaa heshiis laga gaaray dagaladii ka socday xadka gobolka Galgaduud uu lawadaago ismaamulka dowlad degaanka Ethiopia, kaddib kulamo gooni gooniya oo maalmihii u dambeeyay ay ku lahayeen mas’uuliyiin uu hogaaminyo Wasiirdowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Mahad maxamed Salaad.

1. Xabad joojin rasmi ah oo ka bilaabanaysa maanta oo taariikhdu tahay 07/6/2015. Dagaal danbana inuusan ka dhicin deegaanadii dhibku ka dhacay. Labada dhinacna waxay fariin nabadeed u gudbinayaan dadka shicibka ah.

2. Maanta oo taarikhdu tahay 07/6/2015 in deegaanadii dagaalku ka dhacay ay ka caagan yihiin xoogag hubaysan oo sharci daro in ay ka dhaqdhaqaaqaan.

3. Dadka Soomaalida ah ee kunool gudaha Itoobiya iyaga oo aan loo eegin Diin, Qowmiyad, Luuqad, Qabiil IWM… waxay leeyihiin ququuq dastuuri ah iyo sinaansho dhinaca Adeegyada Dowlada ah.

4. Laba dhinac waxay ku heshiiyeen inay xoojiyaan xiriirka iyo nabad kuwada noolaanshaha laba dal.

5. Labada dhinac guud ahaan, gaar ahaana Gobolada Qoraxey ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Galagaduud ee Bartamaha Soomaaliya iyo meel kasta oo labada Dowladood daris ka yihiin in si nabad gelyo ah lagu xaliya wixii khilaaf ah ee soo baxa, iyaga oo adeegsanaya Odoyaasha Dhaqanka, Xoogaga Nabadgelyada iyo Maamulada labada dhinac.

6. Dhibaatadii ka dhacday Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa si gooni ah xil uga saaranyahay xalintooda Maamulka iyada uu la tashanayo isla markaas na kaashanaya Shacabka ku dhaqan deegaankaas. Iyaga oo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya xalinayaan sababihii keenay khilaafka.

7. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in ay ula dagaalamaan si wada jir ah Cadowgooda Alshabaab, UBBO iyo u Adeegayaasha Wadamada Shisheeye ee cadowga ku ah degenaanshaha iyo nabadgelyada labada dhinac.

8. Waxay labada dhinac ku heshiiyeen in si wada jir ah iyo si gaar gaar ahba ula dagaalamaan cadowga iyo cid kasta oo si khaldan u adeegsanaya qalabka warbaahinta, abuurayana colaado.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.