Dagaalo saakay dib uga qarxay deegaanka Deefow ee Gobolka Hiiraan

0 340

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalo ay mar kale dib uga soo cusboonaadeen deegaanka Deefow oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalkan ayaa ka dambeeyay markii mid ka mid ah maleeshiyadii horay ugu dagaalamay deegaankaas ay weerar soo qaadeen.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo waabarigii hore saakay bilowday uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana labada dhinac ee dagaalamaya ay isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaaladan ku soo noq noqday deegaanka Deefow ayaa salka ku haya murano la xiriira dhul beereed ku yaal deegaankaas, waxaana dhowr jeer oo xal dib u heshiisiineed laga gaaray colaadaas ahaa mid aanu sii daba dheeraan oo ay dib colaadu u bilaabaneysay.

Dhamaadkii sanadkii hore ayay aheyd markii magaalada Beledweyn ay ku kala saxiixdeen heshiis rasmi ah ugaasyada labada beeleed, iyadoo heshiiskan markii uu dhacay maalmo kadib ay dagaaladu dib u soo cusboonaadeen.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa dhowaan sheegay in aysan awood u laheyn inay labada dhinac kala dhex galaan, maadaama ay hubeysan yihiin maleeshiyaadka dagaalamaya, balse loo baahan yahay in dowladda ku sameyso awood ay ku fara gelin karto colaadaas.

dagaal-170x114

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.