Dal saddexaad oo safaarad ka furtay Qudus

0 156

Dowladda Paraguay ayaa maanta safaarad ka furtay magaalada Qudus, wuxuuna noqday dalkii saddexaad ee qaada tallaabadan siyaasadeed ee xasaasiga ah.

Benjamin Netanyahu Ra’iisul wasaraaha Israel, ayaa soo dhoweeyey go’aanka Paraguay.

Madaxweyne Horacio Cartes ayaa xafladdii furitaanka ka sheegay in go’anka saafaraddooda looga soo raray Tel Aviv, loona keenay Qudus, ay tahay “mid taariikhi ah oo xoojineysa xiriirka Paraguay iyo Israel”.

Toddobaadkii tagey, dowladda Mareykanka ayaa noqotay tii ugu horreysay ee safaaraddeeda Israel usoo rarta Qudus, ayada oo fulisay ballan-qaad uu ololaha doorasho ku sameeyey madaxweyne trump.

Laba maalmood kadib, Guatemala ayaa safaaraddeedii Tel Aviv u rartay Qudus.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.