Deeqa Xuseen Xasan oo ku guuleysatay kurisiga aqalka hoose ee Koonfur galbeed

0 641

waxaa gaba,gabo ku dhaw doorashadii xubnaha aqalka hoose ee ka socotay magaalada baydhabo ee xaruunta KMG maamulka koonfur galbeed soomaaliya waxaan tartan ka dhacay hoolka doorashada ee magaalada baydhabo kuwada tartamay Deeqo Xuseen Xasan iyo Xaajiyo Cabdinuur Maxamed.

waloow aysan soo xaadirin Xaajiyo Cabdinuur ayaa waxaa cod aqlabiyad ah ku guu leeystay Deeqo Xuseen Xasan oo heshay codad gaaraya ilaa iyo 50 cod oo kamid ah ergadii codeyneysay.

Deeqo oo ah gabar dhallinyaro ah ayaa balan qaaday in ay waajibaadkeed ugu gudan doonto si wafaqsan sharciga islaamka.

sidoo kale xildhibaanad Deeqa ayaa tilmaantay in ay u istaagi doonto raadinta xaquuqda dadka ka soo jeeda deegaanada maamulka koonfur galbeed soomaliya oo ayada laga soo doortay waxa kaloo ay ka dhawaajisay in ay ku dadali doonto in ay cisbitaalo u hesho habeenka soomaaliyeed gaar ahaan habeenka ku nool deegaanada koonfur galbeed.

ugu danbeyntii xildhibaanad deeqa ayaa shaaca ka qaaday in ay qaranka ugu adeegi doonto si daacad ayadoo kaashaneysa bulshadeda reer koonfur galbeed soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.