DEG DEG: Baarlamaanka Soomaaliya oo doortay Gudoomiye

0 161

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hoggaamin doona Saddexda Sano ee socota ka dib Doorasho ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Wareegii ugu dambeeyay ee doorashadda ayaa waxaa ku tartamaayay musharaxiinta kala ah Ibraahim Isaaq Yarow iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kulanka baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray 265 xildhibaan.

Doorashadda Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku tartamaayeen 10 Musharax ayaa ugu dambeyntii waxa ay Guusha raacday Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo horay u ahaa Wasiirka Difaaca.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiramaan ayaa helay 147 , halka Ibraahim Isaaq Yarow uu helay 118 Cod.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.