DEG DEG: Madaxweynaha Puntland oo hadda furaya Kalfadhiga baarlamaanka Puntland

0 338

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hadda khudbad toos ah ka hor jeedinaya Mudanayaasha baarlamaanka Puntland oo uu kalfadhigoodu ka furmay magaalada Garoowe.

Madaxweynaha ayaa si aad ah uga hadlaya arrimaha Amniga, La dagaalanka Argagixisada, Dhaqaalaha & Siyaasadda dalka, waxaana uu ku dheeraaday dagaalada socda.

Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay Mashaariicda horumarineed ee ilaa hadda la qabtay, isagoo sheegay in ay xukuumadiisu wax badan ka qabatay Kaabayasha dhaqaalaha ee dalka oo ay kor u qaadayso.

Difaaca guud ayuu sheegay in uu sugan yahay, kooxaha Argagixisada ahna wuxuu ku sifeeey in ay geysteen weeraro dhuumaleysi ah oo ay kula dagaalamayaan ciidamada Difaaca ee Puntland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.