DEG DEG:- Qarax caawa ka dhacay Muqdisho

0 259

Wararka inaga soo gaaraya Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in maqribnimadii caawa uu halkaasi ka dhacay qarax jugtiisa laga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa la sheegay bartilmaameedkiisa inuu ahaa Gaari Ciidan oo wadada marayay, balse gaariga markii uu gudbay qaraxa dhacay.

Qaraxan oo ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn Isluulka Godey ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo aanan waxba galabsan.

Dadka degaanka ayaa waxa ay Idaacadda Radio baidoa u sheegeen in qaraxan ay ku geeryoodeen ilaa laba qof oo shacab ah, tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo loo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna xireen wadada, iyaga oo halkaasi caawa ka wada baaritaano ku aadan sidii looga daba tagi lahaa raggii falkan geystay.

Xalay ayay aheyd markii Guddoomiye kuxigeenka dhinaca ammaanka iyo siyaasadda degmada Wadajir qarax Miino lagula eegtay meel ku dhow Isgoyska Danwadaagta ee degmadaasi, Hal Askari ayaa uga dhaawacmay

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.