Degaank Ishakani oo looga qaxay Cabsidda Al-Shabaab

0 271

Dadka degaank Ishakani ee xadka Lamu iyo Soomaaliya ayaa bilaabay in qaxaan ka dib markii Al-Shabaab ay dhowr jeer degaankaasi ka geysteen Weeraro Khasaare dhaliyay.

Qaar ka mid ah dadka kunool Xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab ay ugu hanjabeen in ay xasuuqi doonaan hadii ay macaamil la sameeyaan ciidamada dowladda Kenya.

Waxaa sidoo kale degaano ka tirsan dalka Kenya hoos loo dhigay calanka Kenya, Cabsida Al-Shabaab
Agaasimaha Ololaha Boni Enclave Joseph Kanyiri ayaa horay u sheegay in tallaabooyin ku filan la qaaday si looga takhaluso weerarada dagaalyahanada Al-Shabaab, laakiin badankooda lagu guuldareystay, islamarkaana ay waddaan qorsheyeyaal cusub.

Senator Anwar Loitiptip oo ah Xildhibaanka Lamu West Stanley Muthama ayaa si kulul uga hadlay weerarada Al-Shabaab ee degaankaasi iyo barakaca dadka Shacabka ah.

Loitiptip ayaa weydiistay hoggaamiyeyaasha gobolka in ay gacmaha is qabsadaan oo ay ka shaqeeyaan sidii loo badbaadin lahaa Shacabka ka baxsanaya dagaalyahanada Al-Shabaab.

“Waxaan ku dhiiri galinayaa dadka inay had iyo jeer wadaagaan macluumaadka hay’adaha ammaanka,Waxaan u baahanahay inaan si wadajir ah uga hortagno Al-Shaabab” ayuu yiri Loitiptip

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.