Degmada Baydhabo Oo laga mamnuucay bixinta Ruqsada shirkadaha ka ganacsada sarifka lacagaha qalaad ee Forex

0 178

Gudoomiyaha maamulka Degmada baydhabo ahna Duqa magaalada baydhabo
Xasan maclin Axmed biikole ayaa wareegta uu soo saaray waxaa lagu mamnuucay bixinta ruqsada shirkadaha ka ganacsada sarifka lacagaha qalaad ee Forex Market Trading.

Waxaa sidoo kale wareegtadaan lagu xusay in ruqsadihii ay horey u bixisay dowlada hoose Degmad Baydhabo ee la siiyay shirkadaha bixiya adeega Sarifka Lacagaha qalaad ee Forex Market Tranding go’aan laga gaaray kaas oo ah gabi ahaanba in aysan kashaqeen karin Degmada Baydhabo laga bilaawo maanta oo ay tahay taariiqda 14/03/2020, Lagana qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan cidii u hogaansami wayso goaankaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.