Degmada Walaweyn Oo Beelo Heshiis ku wada gaarey

0 278

Wararka naga soo gaaraya Degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Maanta oo ay Taariikhdu ku beegneyd 18/1/2020 heshiis horudhac ah ay wada gaareen Beelo halkaasi ku wada dagaalamaey wararka ayaa intaasi ku daraya in lasoo afjaray Colaadii ka taagneed Dagmada Wanlaweyn oo lagaaray Hishiis,

Hishiiskan ayaa waxaa ka shaqeeyay Gudi loo xilsaaray oo ka koobnaa 17 Xubnood waxaana isa soo hor fariisatay labadii Beelood ee Dagaalamay isjiid,jiid dheer kadibna ay halkaasi ku gaareen hishiis,

Hishiiskan ayaa waxaa ku dhawaaqay labada Beelood Nabadoonadooda waxaana laysku raacay in lanabadeeyo Deegaanka waxaana lagu heshiiyay dhamaan Isbaarooyinka in laqaado Afgooye ilaa Buur hakaba inta u dhexeysa in aan ladhigi karin isbaaro Qabiil kuwa hada yaalana laqaado.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Maamulka Degmada Booliiska iyo Milatariga dhamaantood waxa ay ballan qaadeen in ay hishiiskaasi qeybtooda ay ka qaadan doonaan,

Odayaasha qaar ee Degmadaasi ayaa waxa ay eed u jeediyeen Ciidanka Milatariga eedaas oo ah in aysan waxaba kaqaban Qulqulatooyinka iyo iyagoo intabadan indhaha ka fiiriya waxkasta oo Deegaanka ka dhaca sidokale waxaa ay Eed taas lamida ah u jeediyeen Booliska dagmada wanlaweyn in uu howshii loo igmaday uusan qaban,Hishiiskaan ayaa waxaa aad u soo dhaweyay dadka deegaanka kuwaa oo dhagta kor u hayay sugayeyna waxa kasoo baxa.

Colaadaan ayaa waxa ay saameyn ku yeelatay Ganacsigii iyo waxbarashadii tan iyo 14 Bishan markii aybilaabatay colaadan waxaa ladhihi karaa wax Ganacsi ah kama jirin Wanlaweyn waxaana laga war sugayay wax garad ka iyo Odayaasha dhaqanka ee Deegaanka Xalka ay keeni doonaan Bulshada DEgmadaasi ayaa si weyn waxaa ay u soo dhoweeyeen isla markaana ay ku farxeen,

Ugu dambeyntii hishiiskaan ayaa ahaa mid aad loogu baahnaa hayeeshee waxa uu u baahanyahay in la hirgaliyo hiragalintiisna looga fadhiyaa dhamaan dhicyada ku lugta lahaa ee Ballan qaady hirgalintiisa,

Degamada Wanlaweyn ayaa waxaa ka jiray barakac balaran Xaafadaha qaar Dadka qaxaya qaar oo Radio baidoa lahadalay ayaa waxa ay u sheegeen in ay ka cabsi qabeen in Dagaal ku qabsado gudaha Degmadasi,

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.