DFS oo ciidamadii ugu badnaa ee wata gaadiidka dagaalka u dirtay G/Sh/ Dhexe

0 147

War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in dowlada Somalia ay ciidamo iyo gaadiid dagaal u dirtay degaanka Basra oo ku yaalla duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamadan oo qeyb ka ah ururka 14-ka October ayaa galabnimadii maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyaga oo ku biiray ciidamo horay usii joogay deegaanka Basra.

Ciidamadan ayey dowlada Somalia u dirtay inay ku biiran ciidanka dowladda ee hawlgalka lagula dagaalamayo xagjiriinta Al Shabaab ka wada degaanka Basra.

Degaanka Basra oo Al-Shabaabka ay ku leeyihiin Saldhigyo qarsoodi ah ayaa waxaa shalay ka dhacay hawlgal gaar ah ay fuliyeen ciidamo is-garabsanayay.

Ciidamada qaaday howlgalka ee is garabsanaaya ayaa isugu jiray ciidanka xoogga dalka, kuwa AMISOM iyo ciidanka Mareykanka oo fuliyay duqeymo.

Ciidanka maanta ka baxay xerada Gen. Gordan ee magaalada Muqdisho ayaa tiro ahaan waxaa lagu sheegay inay gaarayan ilaa 300 boqol oo askari, kuwaasi oo wata gaadiidka dagaalka, kuwa ciidanka xambaara iyo gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Ambalaasta.

Dhinaca kale, qorshaha dowlada ayaa ahaa in ciidankani deegaanka Basra la geeyo habbeenimadii xalay hase yeeshee sababo jiray aawgeed ayey maanta u gaaren.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.