DFS oo ka jawaabtay baaq kasoo yeeray Madaxda Galmudug

0 104

Home Wararka
Wararka
Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay baaq kasoo yeeray Madaxda Galmudug
June 4, 2020
Facebook Twitter

Magaalada Dhusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa Maanta ka degtay Diyaarad sida Agab Caafimaad oo ay u dirtay Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya

Agabkaan oo noocyo kala duwan iskugu jira ayaa waxa loogu talagalay Dagmooyinka Balanbal iyo Cabudwaaq oo maalmahan u sameyn ku yeeshay Cudurka Covid19 oo kiisas kamid ah laga helay.

Agabkan Caafimaad ayaa waxaa Xubnihii dowladda Soomaaliya ka socday ka guddoomay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, waxaana uu uga mahadceliyay Dowlada Somalia sida ay uga soo jawaabtay codsigii ay u direen.

Degmooyinka Cadaado, Gaalkacyo iyo deegaano kale oo ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxaa ku geeriyooday dad laga helay Cudurka COID-19 halka kuwo kale ay la jifaan,kuwaas oo la geliyay xaalad karantiil ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.