DFS & Somaaliland oo ka hadlay Shirkii ay ku yeesheen Jabuuti

0 93

Waxaa Magaalada jabuuti ee dalka DJabuuti kusoo xirmay maalintii koowaad ee furitaanka wadahadalka u dhaxeeya dhinacyada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland.

War murtiyeed ay soo saartay dowladda Djibouti ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen in guddiyo farsamo ay sii ambaqaadaan wadahadallada, kuwaasi oo ka sii socon doona dalka Djibouti.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in Soomaaliland ay shirka kusoo bandhigeen tabashooyin ay qabaan laga soo bilaabo sanadkii 1960.

Waxaa uu sheegay in sida uu u qabsoomay shirka uu ahaa mid ka duwan kuwii hore,isla markaana isku soo dhaweynaya Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland xalna laga gaaro waxyaabaha la isku haayo.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon ayaa sheegay in u jeedada shirka uu ahaa in laga wada hadlo waxyaabaha ay iksu khilaafsan yihiin in ka badan 30 Sano iyo wada-hadallo horay loo galay oo wixii kasoo baxay aan qabsoomin.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliland ay qabto in Soomaaliya iyo Soomaalland ay noqdaan laba dal oo kala madax banaan,hayeeshee Dowladda Soomaaliya ay ka war wargeeyso.

Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland ayaa noqon doona kuwa sii socda,waxaana Madaxweynayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ay Magacaabi doonaan Guddiyo farsamo oo ka Shaqeeya sii socoshada wadahadallada

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.