Dhacdo xanuun badan oo ka dhacday duleedka Jowhar

0 161

Dhacdo xanuun badan ayaa ka dhacday tuulo Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh.Dhexe u jirta 30km, kadib markii ay isdileen laba nin oo dadka degaankaas ku nool kamid ahaa.

Labadan nin ayaa isku dilay siyaabo kala duwan, Ninka hore ayaa lasoo wariyay inuu isku dhuftay Mindi, halka midka kalana uu isku tuuray wabiga halkaana uu ku dhintay.

Sababta ay isku dileen labadaan nin ayaa ahayd in ay hanti beeleen, kadib markii ay beerihii ay ku lahaayeen halkaasi, ay ku baa ba’een fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabelle oo halkaa mara, sida uu inoo sheegay Sadiiq Cabdi oo ka tirsan dadka degaanka ay dhacdadaan ka dhacday.

Ma jirto wax intaa dhaafsiisan oo aan helnay oo ku saabsan sababta ka dambeysay is dilka labadaan nin.

Balse dadka ku nool tuuladan oo ku taala duleeda Jowhar, ayaa falkan waxa ay uga naxeen si aad ah, waxaana ay sheegeen in ay tahay dhacdo xanuun badan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.