Dhageeyso,, magacyada xildhibaanada cusub ee koonfur galbeed oo lagu dhawaaqey

0 186

Guddiga Madaxa bannaan ee xulista Baarlamaanka labaad ee koonfur Galbeed ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen liiska xildhibaannada Cusub ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed oo ka kooban 95 Mudane.

Guddiga ayaa bilihii la soo dhaafay ku mashquulsanaa soo xulista xildhibaannada Cusub,iyaga oo wadatashi kala yeelanayay Odayaasha Dhaqanka koonfur Galbeed maadaama Xildhibaannada hab beeleed loo soo xulayey.

Manta oo khamiis ayaa gudiga si rasmi ah uga dhawaaqeen liiska xildhibaanada baarlamaanka 2aad ee dowlad goboleedka koonfur galbeed, sida uu ku dhawaaqayo gudoomiyaha gudiga farsamada soo xulisata xildhibaanda baarlamaanka dowlad goboleedka koonfur galbeed mudane maxamed keerow ,

Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed ayaa dhawaan waxaa ay dooran doonaan guddoomiye iyo kuxigeenadiisa,iyada oo la dhaarin doono.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.