Dhageeyso,,Deni oo sheegey falaka ay sameeynaayaan Alshabaab inaysan cabsi galin Doonin shacbka putaland

0 165

MadaxweynahaPuntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay geerida Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir),kaas oo u geeriyoodey qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Garoowe.

Deni ayaa sheegay in Puntland ay ka go’antahay inay ciribtirto nooc-kasta oo ah waxa loogu yeero argagaxisada, falalka noocaasi oo kale ahna aysan cabsi gelineyn Madaxda iyo Shacabka Puntland.

Waqti badan ayuu sheegay in la geliyey in falal amni darro laga abuuro deegaannada Puntland,isla markaana Puntland ay ka wareheysay xogta qarixii ka dhacay Magaalada Garoowe laguna daba jirey.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qarixii ka dhacay Magaalada Garoowe,iyaga oo sheegay in qaraxaasi ay ku dileen mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad goboleedka Puntland.

Hoos kadhageyso codka madaxweyne Dani

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.