DHAGEEYSO,,Maamulka Degmada Beydhabo oo kulan laqaatey Gudoomiye kuxigeenada Haweenka ee 10 xaafadood ee magaalada beydhabo

0 235

Gudoomiyaha Degmada Beydhabo Ahna Duqa magaalada Beydhabo mudane xasan macalin axmed biikoole ayaa kulan laqaatey Gudoomiye kuxigeenada Gabdhaha ah ee arimaha bulshada 10 xaafadood ee maagalada Beydhabo,

Kulankaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiye kuixigeenka maamulka iyo maaliyaada Dr yuusuf bare iyo isu duwaha wazaarada Haweenka koonfur galbeed somaaliya saciido sheikh isxaaq,

Kulankaan ayaa inta uu socdey waxaa looga hadlay sidii haweenka ay uga qeyb qaadan lahaayeen dar dar galinta howlaha Dowlada hoose ee Degada beydhabo iyo sidii ay kaalin mug leh uga qaadan lahaayeen nabad galiyada Degmada,

Kulanka oo saacado qaatey kadib ayaa marka uu soo idlaadey waxaa warbaahinta lahadlay isuduwaha wazaarada haweenka Degmada beydhabo maama saciido sheikh isxaaq iyo ururada haweenkii kazoo qeyb galay kulankaan waxayna kawarbixiyeen kulankaan wada tashiga ahaa oo ay laqaateen Gudoomiyaha Degmada beydhabo xassan macalin Axmed biikoole,

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.