Dhageeyso,,Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u direy ciidanka xooga dalka soomaaliyeed.

0 656

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda 60-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna, sidaas darteedna dowladdu ay qaadday tallaabo muuqata oo ku aaddan tirokoobka, xaqsiinta iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Milatariga.

wax uuna sidookale madaxweynaha Alle uga baryey dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee naftooda u huray amniga, nabadda, Qarannimada iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.

12-ka Bisha April oo ku asteysan 60-guuradii kasoo wareegtay maalimtii la Aas’aasay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Xilligaan oo kale meelo badan oo kamid ah dalka lagu qaban jirey munaasabado loogu dabaal-degayo Aas’aaska Ciidanka xoogga dalka,hayeeshee sanadkaan aan la qabaneyn sababo la xiriira ka hortaga Cudurka Coronavirus.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.