Dhageyso Ciidamada Booliska oo soo bandhigay dhallinyaro habeenkii dadka dhici jiray

0 293

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta Magaalada Muqdisho kusoo bandhigay Koox Burcad ah, kuwaa soo dhibaato weyn ku hayay Bulshadda kunool Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Howlwadaag.
Qaasim Axmed Rooble Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa warbaahinta u soo bandhigau 4 wiil oo lagu eedeeyay in ay Habeenkii dadka taleefannada ka qaadan jireen.
Raggan waxaa sidoo kale lagu soo qabtay Mobeylo fara badan,Mooto Bajaaj iyo Baskoolad ay dadka ku jandadi jireen xilliga ay dadka dhacayaan.
Waxaa uu sheegay Qaasim in raggaan ay dhibaato ku hayay Shacabka kunool Magaalada Muqdisho, islamarkaana sharciga la marsiin doono.
Habeenadii lasoo dhaafay degmooyinka Howlwadaag iyo Wartanabadda , waxaa kusoo batay koox burcad ah oo dhibaato u geysanayay bulshadda kunool degmooyinkaas

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.