Dhageyso:-Ciidamada Sierra leone oo Soomaaliya ka baxaya>>

0 399

Kismaayo–WKGS–Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Ee Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Saaka Gaaray Magaaladda Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose Haalkaas,waxaana Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya uu Kismaayo u tagay lagu sheegay in uu Sagootinayo Ciidamada Dowladda Sierra leone  oo Dalkoodii dib ugu laabanaya.

Ibraahim Xasan Cabdi Baadiyow Wasiirka Warfaafinta Maamulka KMG ah Ee Juba oo Aanu Goordhaw Taleefanka Kismaayo kula Hadalnay ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uu u tagay Kismaayo in uu ka qayb galo Sagootin loo Sameynayo Ciidamada Sierra leoneoo qayb ka ah AMISOM isla markaana maanta Dalkooda Dib ugu laabanaya Markii uu u dhamaaday waqtigii ay Mandheedka u haysteen in Somalia ay sii Joogaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la Kulmay Madaxda Maamulka KMG ah Ee Jubba,iyadoona aan si dhab ah loo ogeyn  Wax ay kawada hadleen.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaaneysa maalin kadib markii uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u Magacaabay Cumar C/rashiid Cali Sharmaake.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.