Dhageyso Faah faahin laga bixiyay qorshaha Ciidamada DF ay kula wareegayaan amniga

0 341

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula wareegayaan ammaanka dalka.

Waxa uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya in ay wadaan dadaaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Dowladda ay ammaanka guud ee dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in la diyaariyo ciidamadii la wareegi lahaa ammaanka si Soomaaliya ay u gaarto isku filnaan dhanka ammaanka ah.

Waxa uu xusay in ay socdaan qorshayaasha lagu hormarinayo laguna tababarayo ciidamada dowladda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshayaal ay ugu diyaar garoobeyso in amniga dalka ay ciidamada dowladda la wareegaan marka ay guud ahaan dalka ka baxaan Talisyada kala duwan ee ciidamada Midowga Afrika.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.