DHAGEYSO: Farmaajo oo baaq u diray dhalinyarada ka tirsan Shabaab

0 252

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa sheegay in mar kale Dowladda ay cafis u fidineyso haddii ay isa soo dhiibaan dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in ay dowladda ka heli doonaan nolol wanaagsan iyo in si wanaagsan loola dhaqmo, isaga oo sidoo kale ku baaqay in ay ka faa iideystaan fursada ay dowlada Federaalka Soomaaliya siisay.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha uu sheegay in Dowladda ay ka go’an tahay sidii guud ahaan dalka looga saari lahaa Al-Shabaab.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa horay ugu baaqday dhalinyarada Al-Shabaab ku jirta waxaana fursada dowladda ka faa’ideystay dhalinyarao badan iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo dowladda isku soo dhiibay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.